QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

Ma dhulkaad ku noolayd? – W/Q. Cali Dhanaaniye

waara oo aad waayo danbe ka sheekayso. Ammin kasta waxaad tahay ruux dhex dabbaalanaya mawjadaha cartamaya ee badweynta nolosha. Laakiin haddaad tahay qof fiiro leh waxaad guntan lahayd maalmihii qadhaadhaa ee ku soo maray.
Qalbigayga waan ooday! Tolow ma nacas baan ahay? Mise nin cas? Dareenkayga waan xakameeyey, arbuday, anfuday, dhinac kastna waxaan ka dhigay ilaalo iyo awood qallafsan oo aan si fudud lagaga soo gudbi karin. Waxa intaa ii dheer qufullada waaweyn ee aan ku tigtigay laabta xuunshada!
Balse waxa si lama-filaana ood-rogadii iyo af-saartiiba isaga xaydday oo wixii aan ku daalayba si yar ugta soo dul tallaabsatay qaali yar oo afka soo casaysatay oo si ashqaraar iyo ildoogsi leh naftaydii u duufsatay. Laakiin waxay daaha kaga qaadday udgoon iyo caraf badan oo naftayda iyo naf kaleba mashquulin lahayd.
Ibtilooyin, amakaagyo, aafaad iyo ayaamo qadhaadh oo haweenka iga soo maray awgood, hadal iyo haasaawe toonna lama wadaagin bilis xaawalay waanan ka fiigay, kana feejignaa.
Arrimahaas dhacay awgood waxaan ahaa mid cabbudhiya oo aan biyaha cad ka waraabin hadday haraad agtayda ugu bakhtiyayaan. Waxaan sidoo kale ahaa mid iska dhego mara oo indhaha kor uga laliya sidii awr cirka ku faruur xidhan.
Wakhti xaadirkan ka hor waxa aan ahaa wiil is xariifinaya oo an dumarna il kalgacal kuba eegayn. Waxaannu isku barannay si kedis ah, waxa aanu sheeko wadaag u noqonay si kedis ah, waxa aanu isku dhex galnay oo aanu isu dabeecad fahanay si kedisa, wax walibana waxa ay u dhaceen si kedis ah. Way i qaadday, welina way i sii siddaa, laakiin tolow xaggay igu waddaa, goormay se i dhigi doontaa.
Ii gunuday caashaqe,
Wax se aanan garanayn,
Halka aad I gaadhsiin – Axmed Saleebaan Bidde
Dabeecadda iyo lacagta kee baa qaalisan? Dabeecad baa loo dhameeyey yarta , waxana ay igu kicisay oo igu soo aaray caashaqii I dhibay ee dheefta iyo dhuuniga iga jaray, waxa ay laabtaydu dihanaysaa oo ay la ciir-ciiraysaa riyaaqa iyo hiqlaynta farxadda! Quruxdda iyo qaayaha yartan lagu mariimay wa mid gil-gishay laabtaydda oo I xasuusisay quruxdii suleekha ! waxa aan marar badan is waydiinayaa yarta ma’ suleekhaa dhashay? Mise wa firigii iyo faracii suleekha? Mooyi ! ilaahaybaa naga og,
Qarisoo naftaydii,
Qiiriyo xasuus iyo
Qoomamaad ku kicisee
Maxan kugu qiyaasaa?
Ma qoon soo socdaad tahay?
Mise qoon tegaad tahay?
Hibooy qaali sanidaa
Hablihii quraysh iyo
Ma qoonkii makaad tahay?
Qaayaha dadnimadiyo
Qiimahaad u dhalatoo
Qaraabadii suleekhiyo,
Qoyskeedii baad tahay! Cali Dhanaaniye
Waxa laga daboolay oo laga nasahay xumaan iyo cuqdad. Waa qof nadiifa oo aad u fir-fircoon, way I qaaday dareenkaygana waad dhaqaajisay, ma dhulkaad ku noolayd? Mise waxa aad tahay had yadii ifka loosoo diray, ma qoon soosocdaad tusaale iyo sahan u tahay? mise qoon tegey oo na dhaafay ayaad ka hadhay? Mise qoonka maanta ayaad ku dhex qarsoonayd? Waa lagaa sheekayn amuurahaaga !
Wejigaaga waxa ka muuqda ficil aad u cajiiba !, oo soo jiidasho badan oo dareen hor-leh igu abuuray. Waa shaqsi ad la yaabayso haddaad aragto, si toosa ayay iila socotaa, kor iyo kal, tin iyo cidhib wax lagu soo rogay jidhidhico, inkastoo aan kaa helay haddana waan kaa baqayaa, waayo dumar baad tahayoo aamin ma lihid. Igadaa muuqaalka aad I tusayso ee aad ugu tallo gashay inaad igu hodo , si aan hoga murugadda iyo maalmaha foosha xun ugu soo dhaco.
Hadallada riyaaqa iyo reenka u badan ee aad igu talaashay ma waxaad ugu talo gashay inaad hankayga ku liciifiso oo ad cidla ku maasho kana dhigto hal bacaad lagu lisay?
Ismee hadda?, waan kgu maqanahaye ma og tahay? Kuma arko haddana waad ila fadhidaa , codkaaga waan maqlayaa, kuumana jawaabi karo. Waan ku raad-raadinayaa welina kumaan helin.
Anigiibaa sii muuqda oo meel fog ku libdhaya! Tollow goormaan is helayaa? Ma sheegi karo taa! Laakiin ma foga ! adna miyaad is wayday sidaydoo kale?
Cali Maxamed Ibraahin (Cali Dhanaaniye)
Hargeysa 13/07/2012.
dhanaaniye@hotmail.com
© Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 67 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us