orodka ee ciyaaraha Olombikada ee ka socda magaalada London ayaa galabta shaaciyay inay isku dhiibeen dawladda Ingiriiska.
Shaacinta arrintan ee labada ayaa yimid wax yar kaddib markii ay labadan orodyahan galabta kulan la yeesheen wasiirka dawladda UK u qaabbilsan arrimaha Afrika Henry Belingham kaas oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha Afrika ee UK ee magaalada London.
Samsam iyo Maxamed ayaa si wadajir ah u sheegay in labadooda ay go’aansadeen in aanay nafahooda ku celinnin Soomaaliya kaddib markii hanjabaado dad aan la garanayni ay u soo direen ayna u sheegeen inay dilayaan haddii ay dalka ku laabtaan.
“Annaga waxaan go’aansanay inaan inta iska joogno ama meel ammaan ah nala geeyo, waayo hadda kuma laaban karno Soomaaliya maalin dhoweyd xitaa waxa la dilay majaajileystihii Marshaale” ayuu yidhi Maxamed Xasan oo ahaa wiilkii ku orday 1500Mitir magaca Soomaaliya.
Maxamed wuxuu sheegay in boggiisa Facebook loogu soo diray sawirradiisa oo lagu soo dul qoray Calaamadda isku-tallaabta oo loola jeedo in madaxa laga toogan doono.
Sidoo kale Samsam ayaa iyaduna sheegtay in hooyadeed oo ku sugan Muqdisho ay la soo xidhiidheen dad aan la aqoonsan, ayna u sheegeen in haddii inanteeda (Samsam) ay dalka ku laabato laga qaadi doono tallaabo ku aaddan hawlaha ciyaaraha ee ay ku jirto.
“Waan ka welwelsanahay ammaankeyga Soomaaliya hadda ma aha meel aan ku laaban karno” ayey sii raacisay Samsam.
Maxamed Xasan Maxamed iyo Samsam Maxamed Faarax waxay magangelyo weydiisteen dawladda Ingiriiska ee ay hadda martida u yihiin, waxaana codsigani uu yimid xilli la filayey in ciyaartoydani ay dib ugu laabtaan wadanka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay ka yimaaddeen.
Illaa hadda ma cadda in dawladda Ingiriiska ay aqbashay codsigan ay u soo jeediyeen labada orodyahan ee Soomaaliya uga qeybgalay tartanka ciyaaraha olombikada adduunka ee ka dhacay London sannadkan.
Kulanka maanta ka dhacay xarunta wasaaradda Afrika dawladda UK u qaabilsan ee magaalada London ayaa waxa goobjoog ka ahaa wasiirka dawladda UK u qaabbilsan arrimaha Afrika Henry Belingham iyo guddoomiyaha olombikada Soomaaliyeed Durraan Faarax.
Guddida Olombikada Soomaaliyeed iyo wasaaradda ciyaaraha DKMG ah oo masuul ka ahaa ciyaartoyda maanta iska dhiibtay London ayaan illaa hadda ka hadal arrintan.
© WeedhsanCorporation