Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

RAMADAAN KARIIM: Google oo markii u horreysay bog gaar ah u sameeyay Aflaamta Musalsalka ah ee bisha Ramadaan

Shirkadda Google ayaa bog u gaar ah oo laga daawan karo filimada musalsalka ee Ramadaanta u samaysay markii ugu horraysay taariikhda, kuwaas

oo si fudud looga daawan karo, boggeeda youtube.com.

Mid ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Google oo lagu magacaabo Mohamed Waddani ayaa isna sheegay in markii ugu horaysay taariikhda ay malaayiin muslimiin iyo carab ah oo daafaha dunida ku kala nooli, awoodi doonaan daawashada kontanka filim ee ugu fiican musal salada Ramadaanta, kuwaas oo ay si fudud uga heli doonaan shabakada Youtube.

Ciwaanka cusub ee shabakadda laga daawan doono, filimada musal salka Ramadaanta ayaa ciwaankeedu yahay youtube.com/Ramadan, taas oo Google rejaynayso in ay xarun iyo bar kulan u noqon doonto dadka jecel filimada taxanaha ah ee Ramadaanta, kuwaas oo isugu jira, qosol qosol, Drama, qisooyin arrimaha qoyska la xidhiidha iyo kuwo diini ah intaba.

Madaxa Shirkadda Google ee bariga dhexe iyo waqooyiga afrika Ari Ksysocalo, oo isna ka hadlay shabakadan cusub iyo sida ay ka filayaan, ayaa sheegay in tani fursad u noqon doonto dadka jecel daawashada filimada taxanaha ah ee Ramadaanta si fududna ay uga bogon doonaan wixii la xidhiidha filimada ay jecel yihiin.

Maareeyaha Google ee bariga dhexe iyo waqooyiga afrika waxa kale oo xusay in ay rejaynayaan in malaayiin qof booqan doonto oo kor u sii qaadi doonto, tirada dadka booqda shabakada youtube oo ah ta labaad ee dunida ugu horaysa ama loogu booqashada badan yahay.

Maareeyuhu waxa kale oo uu tilmaamay in mashruucan oo ah markii ugu horaysay ee la sameeyo, uu ku yimi iskaashi ku saabsan u raaxaynta dadka Sooman ee muslimiinta ah inta lagu gudo jiro, bisha barakaysan ee Ramadaan.

Masuuliyiinta Google waxa kale oo ay ka warameen, qaab fududayn ah oo ay u sameeyeen, dadka doonaya in ay booqdaan youtube.com/Ramadan oo ah boga daawashada filimada taxanaha ah, kaas oo sida lagu soo gali karo iyo sida meelo kale looga daawan karaa, u baahan tahay oo kaliya in qofku ku qoro, magaca filimka uu doonayo, halka haddii aanu qofku magaca si fiican u qori karin, marka uu kalmado ka mid ah galiyo inta kale si otomaatig ah ay isugu saxayaan.

Koobiyaynta ama dheegashada iyo haddii qofku u baahdo in uu meelo kale ku baahiyo waxa laga doonayaa inuu xuquuqda mulkiyada ilaaliyo oo aanu ku xad gudbin, waxaanay shirkadda Google sheegay in xuquuqda mulkiyada ay ilaalinayso oo kooxaha budhcada ah laga ilaalin doono.

Ugu danbayntii waxa xusid mudan in dadyowga ku dhaqan bariga dhex iyo waqooyiga afrika ay yihiin, kuwa kaalinta labaad kaga jira daawashada iyo booqashada shabakada muuqaalada fidiyowga ah baahiya, gaar ahaan youtube.com, waxaanay warbixin ay Google soo saartay muujinaysaa in maalin kasta boqol iyo todobaatan milyan oo qof booqdaan, filimada iyo waxyaabaha daawashada ah ee lagu baahiyo Youtube.com.

Faysal Maxamed Xasan

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.