QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

BOORAME: Jaamacadda Camuud oo bilaabaysa Waxbarashada sare ee Master Degree & PHD

waxbarashada sare ee Master Degree iyo PHD-ga.

Xaflad lagu soo bandhigay qorshaha cusub ee jaamacadda Cammuud ku bilaabayso waxbarashada heerka sare oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada wasaaradaha waxbarashada, caafimaadka ,caddaaladda iyo Beeraha ee Somaliland.

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo xafladdaasi kaga dhawaaqay qaybaha cusub ee waxbrashada tacliinta sare ee jaamacaddu soo kordhisay ee ah Master Degree iyo PHD, waxuuna ka warbixiyey marxaladihii ay jaamacaddu soo martay muddadii saddex iyo tobanka sannadood ahayd ee ay jirtay, isaga oo sidoo kalena madashaasi ka xusay in kordhinta qaybahan cusub ee waxbarashada sare ay ku dhiirrigeliyeen jaamacado kale iyo xukuumadda Somaliland.

Prof. Saleebaan Axmed Guuleed wuxuu sheegay in sannadkan gudihiisa ay bilaabayaan labadan qaybood ee ku soo kordhay waxbarashadii jaamacaddu bixin jirtay.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo munaasabaddaasi ka hadashay ayaa sheegtay in xukuumad ahaan ay ku gacan siin doonaan Maamulka Jaamacadda hirgelinta qorshaha cusub ee waxbarasho.

Wasiirka wasaaradda caddaaladda Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa isla munaasabaddaas wuxuu ka sheegay in wasaaradda caddaaladdu ay qaadan doonto afartan ka mid ah ardada ka qalin jebinaysa sannadkan kulliyadda sharciga ee jaamacadda Camuud, isla markaana ay ka hawlgelin doonaan qaybaha garsoorka iyo caddaaladda ee wasaaradda.

Wasiirada wasaaradaha Caafimaadka Dr Xuseen Muxumud Maxamuud (Xoog) iyo wasiirka Wasaaradda Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa hadallo ay halkaa ka jeediyeen waxa ay ku sheegeen inay wasaaradahoodu kaalin mug leh ka qaadan doonaan mustaqbalka dhow sidii ay isu barbar taagi lahaayeen jaamacadda gaar ahaan kulliyadaha beeraha iyo caafimaadka ee jaamacadda Cammuud.

Sh Cabdillaahi Sh Cali Jawhar oo ah Sheekhul-Beledka magaalada Boorame ayaa isna munaasabaddaasi ka soo jeediyey in dadka haysta shahaadooyinka aqooneed ee tacliinta sare lagu tixgeliyo sida ay uga soo bixi karaan mas’uuliyadda shaqaalanimo isla markaana aan loo eegin qaab degmo ama gobol.

© Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 60 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us