QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

GIULIO TERZI: “Diinta Masiixiga iyo diimaha kale waa inay noqdaan kuwo si siman Soomalidu u adeegsan karto”

ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa dalbaday in dastuurka cusub ee Soomaaliya uu noqdo mid dhawraya xorriyadda diimaha kale.
Kulankan ayaa ahaa mid lagaga hadlayay sidii gargaarka caalamka bixiyo lagu gaadhsiin lahaa goobaha ay ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ka saareen Xarakada Al-Shabaab bilihii la soo dhaafay.
“Waxaa waajib nagu ah in sharciyada iyo xorriyadda diimuhu ee dastuurka cusub ay noqdaan kuwo loo siman yahay,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Taliyaaniga, Giulio Terzi oo dalkiisu uu marti-geliyay shirkan. “Diinta masiixiga iyo diimaha kale waa inay noqdaan kuwo si siman loo adeegsan karo,” ayuu yidhi, iyada oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in dastuurka cusub uu yahay mid lagu saleeyay diinta Islaamka.
Shirka Roma ayaa waxa ka qaybgalay saraakiil ka socday 28 dal iyo wakiillada haya’daha caalamiga ah oo uu ku jiray ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga.
Warqadihii siyaasadda ka hadlayay ee loo qaybiyay xubnaha shirka ka qaybgalay ayaa lagu sheegay in xilliga KMG ah laga baxo, lana helo dawlad rasmi ahi ay tahay mid ay aad dhib badan tahay in xilligii loogu talogalay lagu fuliyo.
Dastuurka cusub oo qaybyo-qoraalka ah ayay madaxda Soomaalidu waxay iskula garteen bishii lasoo dhaafay shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi, iyadoo loo gudbiyay odayaasha dhaqanka si ay uga soo talo-bixiyaan.
Lama oga sida ay madaxda dowladdu ku aqbali karaan in qabyo-qoraalka dastuurka ee la doonayo in la ansixiyo 12-ka bishan uu u noqon lahaa mid dhowraya xorriyadda diimaha iyo in kale.
© Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 76 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us