magaalada Berbera.
Duulimaadkan oo ah kii ugu horeeyay ee Duulimaadyo si toos ah ay diyaaraddaasi maalin walba Somaliland uga qaadayso rakaab, ayaa loo sameeyay xaflad ballaadhan oo ay ka soo qayb galayaan Masuuliyiinta Shirkadda Itoobiyaan Airline ee xarunta Addis Ababa oo Diyaaradda la socda, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Safiir ku xigeenka dawladda Itoobiya u fadhiya Hargeysa, Madaxda Gobolka Saaxil iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada ee Somaliland Mudane Maxamud Xaashi Cabdi oo xafladdaas ka hadlay ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay in diyaaradda Ethiopia ay dib u bilowdo duullimaadyadii ay ku imanaysay Somaliland, waxaanu xusay in arrintani ka danbaysay dadaal xooggan oo xukuumaddu u gashay soo celinta duullimaadyadii shirkadan.
Wasiirka Duulistu waxa uu intaas ku daray in imaanshaha shirkada diyaaradaha ee Ethiopia ay fududaynayso xidhiidhka ganacsi ee labada wadan ka dhexeeya.
“Waxay Diyaaraddani ay dib u bilaabashada duullimaadyada diyaaraddani ay ku timid iskaashi ay sameeyeen labada dawladood, waxaanu wax ka taraysaa xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada dal,”ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dhaqanka ee Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in imaatinka diyaaraddani uu ku soo beegmay xili ay dadka u dhashay Somaliland ee dibadaha ku nooli ay dib ugu soo noqdaan dalkooda hooyo isagoo iftiimiyay dhibaatadii ay rakaabku kala kulmi jireen markii ay meesha ka baxday Diyaaradda Ethiopia Airline.
Safiir ku xigeenka Safaaradda Ethiopia ee caasimadda Hargaysa ayaa sheegay inay dawlad ahaan ku faraxsan yihiin dib u soo celinta duullimaadyadii shirkadoodu ay ku iman jirtay Somaliland oo mudo door ah hakad ku jirtay.
Waxa kale oo xafladdaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Safiirka Somaliland u fadhiya maraykanka.
Diyaaradda Itoobiya Airline ayaa Caasimadda Somaliland ee Hargaysa hore u iman jirtay Duullimaadyo, hase yeeshee ay joojisay ka dib qaraxyadii argagixiso ee ka dhacday Hargeysa 29-kii Bishii October 2008-dii. laakiin waxa ay dib u soo bilowday dhawaan kadib markii ay Heshiis cusub la gashay Xukuumadda Somaliland, waxaanay tallaabadan cusubi Somaliland ka saaraysaa caqabado badan oo dadweynaha iyo Xukuumaddaba ka haystay dhinaca Socdaalka.
© Weedhsan Corporation