QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

XAQIIQADA SHEELLAN (II): Godlin mise Gaagixin? – W/Q. Saddaam Carab

fikrad wax ku ool ahna waxa lagu ciseeyaa waxay soo kordhiyeen,waxaana lagu xurmeeyaa waxay curiyaan, taasaa keenta in da’aada ka dambaysaana ku dhiirato unkida fikradaha cusub iyo aragtiyaha tolmoon ee bulsho ku tisqaado, inagga se xaalkeenu waa taa rogaalkeeda, waxaynu kala nahay laba caalam, waxaynu isku nahay gun iyo baar, dhexdeena qofka wax soo kordhiya waxba looma arko, abaalna looma hayo ajjar Rabbi se u maqan, amaan kuma laha af lagaado loo helee, mahad looma naqo maamuus ha joogee, xusuus looma galo xusidi ha dambaysee.

Ma hiigsado inaan wax soo kordhiyo, ma himileeyo inaan wax unko, mana hawaawiyo inaan wax curiyo, oo maxaan ugali hawshaa? Kuwii hore ee guusha dhaliyay ma cidbaa taqaan ma cidbaa sharafta, ma cidbaa se xusuusanba, midda kale hadaan wax cusub abuuro ma cidbaa iga hoos qaadaysa. Oo maxaa lagaaga dhagaysan waayay miyaanay horumar iyo horukac toona jeclayn dadkaagu? Miyaanay maskax uguba inay tuujistaan kuba tala galin? Miyaanay dadkaagu dadkooda ku faanin?  Maya umaba weecaal hayaan, dharaar dhawaydbay ahayd markii dhagahaygu maqlayeen mid ku hadaaqayey:

Dimaaqayga ma daaliyo

Dad kaloo wax keenana

Doc-warenka waxoodiyo

Deedifaynta warkoodaan

Kuba diirsadaa kow,

Daaha inaan saarana

Darajaan ku helaa.

Oo abidkayo ma sidaasaanu ahaanaynaa? Haa hadii aad doontaa, hadii kale se waxaa iman dharaar qofka lagu karaameeyo wuxuu soo kordhiyo, waxa iman maalin cid kasta oo beerta aragtiyo iyo aqoon wax ku ool ahba loo gudo abaalkay gasho. Oo waa goorma? Ma dhawa mana dheera, waa markaad cidii sidkeedu go’ay ka umulisaan, inta  irmaanna lisataan, waa markaad cidii dararta  maashaan, cidii gaagaxdana aad godlisaan idinka oo aan shuruud kale ku xidhayn shubah kalena galinayn.

Qalinkii: Saddam Xussen Carab

sadamcarab@gmail.com

© Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 50 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us