maadaama ay tabanayaan tacaddi hore loogu geystay, ayna ku heshiiyeen in wadahadalladu ay sii socdaan.
Sheekh Shariif ayaa hadalkan jeediyay kaddib kulan uu Muqdisho kula yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo muujiyay inuu rajo weyn ka qabo inay wadahadallada noqdaan kuwo midha-dhala.
“Walaalkaa haddii uu wax kaa tabto waxa habboon inaad tidhaahdo raalli ahow... waxaan u geynnay raalli ahaada, wixii dhacay in laga wadahadlo ayaannu oggolnahay, laakiin nidaam jiray oo dhibaatadiisu cid walba gaadhay ayaa ayaa mas’uul ka ahaa arrintaas,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in Koonfurta Soomaaliya ay ka dhaceen dhibaatooyin fara badan, isaga oo xusay in kulankii dhacay la iskula gaadhay in la isa saamaxo, maadaama walaalo la yahay, Soomaalina la yahay, lana wada-fadhiisto.
Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday odayaasha dhaqanka inay dedejiyaan xulidda ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, isagoo xusay inay ka go’an tahay in xilliga KMG ah la soo gebagebeeyo 20-ka Ogost ee sannadkan.
“Hawlo badan oo dawladda aad u qaban lahaydeen ama aad iskiin u qabsan lahaydeen ayaa jira, waa inaad soo deddejisaan ergada ansixinta dastuurka iyo xildhibaannada cusub si xilliga KMG ah loo soo afjaro,” ayuu yidhi madaxweyne Sheekh Shariif.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu dalbaday in fursad la siiyo haweenka uu damacu kaga jiro siyaasadda dalka, sidoo kalena aan lagu xad-gudbin tirada loo qoondeeyay haweenka.
© WeedhsanCorporation