maanta inuu booqanayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.
Danjire Mahiga ayaa wuxuu sheegay in booqashadiisa ay ku timid casuumaad uu ka helay taliyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Afgooye, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo arko waxa ka socda degmadaas.
“Waxaan doonayaa inaan booqdo Afgooye, sarkaalka ciidamada AMISOM ayaa igu casuumay si aan u soo arko waxa ka socda halkaas. Afgooye waa meel muhiim ah oo uu maro webiga Shabeelle, waana guushii ugu weynayd ee ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay gaadhaan,” ayuu yidhi dajire Mahiga.
Danjire Mahiga muu sheegin muddada ay booqashadiisu qaadanayso, iyada oo la ogyahay in degmada Afgooye uu ku sugan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Danjire Mahiga, ayaa sheegay in booqashadiisani ay tahay mid uu aad ugu faraxsan yahay, iyada oo ay noqonayso markii ugu horreysay oo mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobay uu booqdo deegaan ka baxsan Muqdisho.
Ugu dambeyn, dajire Mahiga wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay taageersan tahay howlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya wuxuuna xusay in sidoo kale ay ku talinayaan in hawlaha dhiman lagu dhameystiro inta ka horreysa bisha Ogost ee sannadkan.
© Weedhsan Corporation