DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Madaxda dalalka calaamka ka socda ayaa ka sheegay shirka in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u heshiisiin caalami ah si dib loogu soo celiyo ammaankii iyo dagganaashihii maqnaa 20-sanno ka badan.
“Kaddib muddo dheer oo deggenaasho la’aan iyo colaado ah, waxaan doonaynaa inaan hadda hormuud u noqonno fursad lagu helo nabad iyo ammaan ka hirgala Soomaaliya,” ayuu yidhi ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Bozdag oo ka hadlayay furitaanka shirkan oo ay dawladda Turkigu martigelintiisa leedahay.
Mr. Bozdag wuxuu sheegay in Muqdisho laga saaray xoogaggii Islaamiyiinta ahaa ee ka soo hor jeeday dawladda KMG ah, ayna dib u furmeen ganacsigu, isla markaasna loogu yeedhayo caalamku in uu dib u dhiso.
Shirkan oo laba casho soconaya ayaa wuxuu daba socdaa shirkii magaalada London lagu qaabtay bishii Feberaayo ee sannadkan, iyada oo ay ka qaybgalayaan odayaal-dhaqan, aqoonyahanno iyo ganacsato, waxaana lagaga hadlayaa sidii dib dhis loogu samayn lahaa Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iskuullo, isbitaallo, koronto, biyo iyo weliba jidadka loo la dhiso.
Maalinta Jimcaha ah ayaa lagu wadaa in shirka lagaga hadlo arrimaha siyaasadda iyo gargaarka bani’aadamnimo, iyada oo ay shirkan goobjoog ka yihiin madax ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, madaxweynaha dalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska, William Hague.
“Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacmaha Soomaalida,” ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali oo shirka ka hadlay, isaga oo intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay horumar, wuxuuna beesha caalamka ku boorriyay inay ka dhabeeyaan caawinta Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sheegtay in ujeeddada ugu weyn ee shirkan laga leeyahay ay tahay in la sameeyo qaab lagu doonayo in mustaqbalka Soomaaliya wax lagaga qabto illaa sannadka 2015-ka.
Madaxda Soomaalida ee shirkan ka qaybgalaya ayaa waxaa la hordhigi doonaa qodobbadii ka soo baxay shirkii ay odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidku ku yeesheen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, kaas oo xalay la soo gebgebeeyay.
© Weedhsan Corporation