arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka qaybgalayaan, iyaga oo sheegay in la xalliyay khilaafkii sababay inay shirkaas ka qaybgalkiisa diidaan.
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo Maxamed Axmed Caalin ayaa horraantii toddobaadkan waxay ka sheegeen Addis Ababa in shirka Istanbuul uu yahay mid dano gaar ahaaneed laga leeyahay oo lagu saleeyay siyaasad.
“Shirka ka qayb-galkiisa waxaannu hore uga soo saarnay war-saxaafadeed aan ku diidnay, waxaan shaki ka qabnay ururrada bulshada ee Muqdisho laga keenay iyo sida shirka loo maamulay, arrintaasna waan ka wada hadlanay, waxaanan sheegnay sida aan u aragnay shirka iyo waxaan qabnay waanan isla meel dhignay inaan shirka ka qaybgalno,” ayuu yidhi Madaxweyne Puntland, Cabdiraxmaan Faroole oo BBC-da la hadlay.
Madaxweynaha Puntland wuxuu hadalkiisa ku daray in isaga iyo madaxweynaha Galmudug ay la kulmeen mas’uuliyiinta safaaradda Turkiga iyo saraakiil ka socotay wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga, kuwaas oo uu sheegay inay ka qanciyeen wixii ay tabanayeen.
“Innaga iyo mas’uuliyiinta Turkiga si toos ah ayaan uga wadahadalnay wixii aan ka tabaneynay shirka, Istanbuul ayaanan toos u tagaynaa. Innaga Turkiga inaan si toos uga wadahadalno nabadeynta Soomaaliya door ayaan ku leennahay innaga iyo reer Galmudug waa u wada soconaa,” ayuu Faroole hadalkiisa ku daray.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in hawsha socota ee Roadmap-ka aan waxba laga beddeli karin isla markaana aan la keeni karin hawl cusub oo siyaasadda la xidhiidha, isaga oo dawladda Turkiga ka dalbaday in la ixtiraamo heshiisyadii Garoowe, Gaalkacyo iyo Addis Ababa, shirkuna uu noqdo mid ku kooban ra’yi is-dhaafsi.
Sidoo kale, Faroole wuxuu sheegay in Puntland iyo Galmudug laga qaadayo xubnaha bulshada rayidka iyo odayaasha dhaqanka kuwaas oo uu sheegay in la geynayo Jabbuuti ayna ka qaadi doonto diyaarad ay leedahay dawladda Turkiga.
Madaxweynaha Galmudug ayaa isaguna sheegay in go’aanka ay kaga laabteen go’aankii ay hore ugu diideen ka qaybgalka shirka Istanbuul ay si wadajir ah uga laabteen isaga iyo madaxweynaha Puntland oo ay isla joogaan Addis Ababa.
“Waa isla joognaa aniga iyo Faroole waana wada fadhinnaa, si wadajira ah ayaana warkan u soo jeedinnay, wax gaar ah oo aan wadanayna ma jirto, waxaan ka wada cabanaynaa waa qaabka wax loo sameeyay iyo la tashi la’aanta, markaan wada-tashaynna sidaas ayay noogu dhammaatay,” ayuu yidhi Mudane Caalin.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Puntland ay hal diyaarad isla raaci doonaan, bal se ay kala matalayaan laba maamul, iyada oo tani ay ka dhigayso in mawqifkii labadan mas’uul mid isku beddelay maalmo gudahood.
© Weedhsan Corporation