Get Adobe Flash player

 

"Qalinkaa wax suureeya!"

Wacdaraha Maansada Hadraawi

Nadifa Mohamed Granta Award

Xogwarranka Macallin Dhoodaan

Sky News Interviews Abdirashid Duale

Weedhsan Magazine

Xilwareejintii Maryan Qaasim

Welcome to SomSite

Xogwarranka Aamina Weheliye

Kalsoonida Nafta

Baadisooc - Maxamed Baashe X. Xasan

Qushi socod

Maansadan waxaa tiriyey  Abwaan Cabdi Iidaan Faarax. Waa maanso waxyaabo badan saadilisay. Tusaale ahaan, wuxuu ku xusayaa in dalka Jabbuuti uu xukunka u qaban

doono nin uu ku tilmaamay “Aayatiin lagu qaboobay,” Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha laga dheehan karo maansada sidii ay soomaalidu u jebisey Xabashida dagaalkii ku suntanaa 1977-kii iyo sida ay mar walba marka qiiro qiiro la galiyoay reer galbeedku ugu soo gurmadaan.

Maansadu waa tii uu Cabdi Iidaan ku kuhaamey Ruushka kaddib markuu Itoobiya inooga hiiliyey, waxaanu ilaahay uga baryey in uu ku sallido quwadaha Nato iyo Shiinaha, Rabbina waa u aqbaley oo waa ka wada war haynaa halkey ku danbeysay quwadii Waarso ee Ruushku hoggaamin jirey, burburka iyo dhaqaala-xumada ragaadiseyna waa mid marag ma doona.

Abwaan Iidaan wuxu sidoo kale maansadan ugu caqli celinayaa saaxiibkii Cabdillaahi Dhoodaan, oo wakhtigaas mucaarid ku ahaa dawladdii Soomaaliya, waxaanu si talo, toosin, tilmaan, iyo waanaba huwan ugu sheegayaa in xornimadu tahay shay qaaliya oo qiimihiisu weyn yahay, qabyaaladduna tahay wax xun oo meelna kuu wadayn, iyo in aaney xabashidu wali ilaawin godobtii ay soomaalida u hayeen kana mid tahay gumeystayaashii geyiga qaybsadey talana aanay ahayn in xaggooda laga soo jeestaa. Wuxuu yidhi:

Ma qastiyin baryahan maansadii, ina qaliifoowe,

Qaaqaabintiisiyo murtida, kuma qalweynayne,

An qiyaaso maantana halkaan, uga qormeynaayo.

 

Aduunyada qaskeed iyo halkii, qoomku ka abuurmey

Qarniyada ka badan dhowrka boqol, tan warkaw qaatey

Qawlaysatadu weerarkii ay, yurub ka soo qaadey

Shirkii nalagu qaybsaday markii, nala qisaasaayey

Taariikhda saantiyo ku qoran , qalin dawaadeedka

Inkastoo sutida loo qabtoo, qaar la marin waayey

Qiyaamooyinkiii nalala helay, ee qotoda dheer leh

Intaa godobta nagu qaarsaneyd, qodaxda hiirtaanyo

Waa waxa hadeer lala qumbacan, qabarka muuqdaaye

Qarka lagama dhayo doog haduu, qaabanqaws yahaye

Hadaan mililka qaaxada ku jira, qoonta laga baanan

Oo meel sokuun laga qabsado, waa qoyaan li’iye

Iyagoo sokeeyaha la qaley, qurub ka doonaaya

Qoolaaligiibey axmaar, qurub u tuureene

 

Baryo waxay qubnaataba markii, lays qadarin waayey

Axmed guray jihaadkuu qabsaday, qulabaduu laayey

Qasaarihii la baday waa waxay, qaydhinkaw cuniye

Isagoo dhulkii uu qabsaday, qaydka marinaaya

Wuxuu boqorku qayladii u tagay, qaar u hiil galaye

Halkaasey hubkii loo quturey, kaga qamaadeene

Kolkayse qiiroqiiraha gashaba, qoom jinaw baxa’e

Qalalaasihii xigey kolkii, qabaxdu waynaatey

Sayid maxamed qoolkuu la kacay, ama hubkuu qaatey

Waakii gumeysiga qudh jarey, qaarna gawracaye

Hayeeshee dantii uma qabsamin, looqalqaal tagaye

Qacdii kalana waakii bashiir , qiiradaw kacaye

 

Qalalaasihii xigey markii, qabaxdu weynaatey

Waatii qormada yaa lahaa, laysku qaanabaye

Qunyar lagama guureen hadey, daru qamaadaane

Kolkii madax banaanida la qorey, qaata calankiina

Iyadoo aan shuruud loo qabtiyo, qodobo looyeelin

Waxa dawlad qudha looga dhigey, qaarki kale doone

 

Iimaanku nimuu qoomanyoo, qaraxa mooyaane

Xidigtaa halkiii lagu qayaxay, qurux tilmaamaysa

Waataa shanteenii qoloba, qudhuga muuqdaane

 

Kolkii tala galkii soo qaldamey, lagu qamaamaayey

Quruuruxa ka badan geesiyada, qayre loo dilaye’e

Waakaa jabuutina qotoma, qaran gobeeyiiye

Qanjajihiyo dhaxantii docdaa, nagu qayoodeysey

Iyo xagashayadii qaawaneyd, waa qareen kabaye

Qolqolkiyo miscirii dugsiye,nagu qalaalaaye

Iyagana xumaan uma qabnee, weys qadarinaaye

Qalbiga iyo calooshaan kal gacal, uga qushuucnaaye

Hadaan meelo badano qatara, halista qooraansho

 

Guuleedba fooqyada qalwa’a, kuma qadeeyeene

Qarda waxa ku xiga aayatiin, lagu qaboobaaye

 

Afartaa qiyaastaan u idhi, maysku qabadsiiyey

 

Qalalaasihii xigey hadey, qabaxdu waynaatey

Cidkastoo quruuruxa ka badan, faro qiyaasteeda

Qalbi adag nin lihi waw dhigmaa, qoom kastoo badane

Kunkoodii qushaashaba kolkan, boqol ku qayraanshey

Dhalinyaro jihaadkaw qodiyo, madax qaroomeysa

 

Qalbi tahara Qalaafiyo Wardheer, Qadaw ragii yaaley

Qaaridiyo Hunbaa loo dhiciyo, qaalidiyo Faafan

Qalqalaha Wajaaliyo Jigjiga, Adari qoorteeda

Ka qar gooste Haramaanyo iyo, qawlkii baabuliye,

Sidii koromo Qoodhkii eryo, Qodaaxda jiidheysa

Ama Goroyo lagu qayliyoo, qayso dhabanaysa

Kolkii qalablahoodii firdhaday, qololka maaxaayey

Ee maydadkoodii qalaley, qoobka lagu jiidhey

Ee geesi hiirtaanyo qaba, loo quturi waayey

Ee saanadii laga qabsaday, qalabkii loo dhiibey

Quruumaha hortii faaladay, qudhuga sheegeene

Waakaa wargeysyada ku qoran, qaabkii loo galaye

 

Quwad naga itaal badan, haduu qarad lihii keenay

Isagana mid qaradiisa leeg, Qaadir haw dira’e

Haku qaraxdo reer naato iyo, qalabka shiinuhuye

 

Walise godobti kama quusan iyo qaandi raadsiye

Sidiibey qolkii ugu jiraan, qaar hubeysaniye

Qaxoontiga nafluhu gubey, haduu nabar ku qayraansho

Ama uu tanagyo ku qubo, qooriyada xeebta

Qofba meel u joogaba, arligu nooma qaybsana’e

 

Anigoon hadalka wada qaawineyn, quruxda haasaawe

Hadaan hadaladaadii qaldamey, qaar ka mida sheego

Cabdilaahi maansada qafilan, qabar hagoogeeda

Ee aniga ii wada qayaxan qulul u jeedkeeda

Dhabihii gumeysigu qoriyo, qaraki uu jeexay

Shirkii nalagu qawlaley markii, nala qisaasaayey

Qarka xagan waxa ka xiga xabashaad, qaata leedahaye

Adigiyo intii kula qabtaa qaraf, ma goysaane

Wax la qubey wax laga quustayoon, cidiba soo qaadin

Qabiil iyo horaa looga, marey qoliyo reer reere

Qabribaa lagu ridoo waad ogeyd, iilki loo qodaye

Sidii dhidar xabaalaha ad qodi, quufle ka horeeyey

Qastigaad u leedahay hiyigu, qoodhka ka iftiinye

Hadayse qodobadii kaa baxdiyo, qudhunkii ciidaale

Kol hadaad gunimo qaayibtood, quus ka tahay xaajo

Hadaad qolada xayla iyo maryama, qiratey reerkooda

Oo inaad axmaar qayb ka tahay, qaalinimo moodey

Adigiyo intii kula qabtaa, qaraf ma goysaane

 

Qiimaha xornimo leedihiyo, qaalibkiyo guusha

Hadaan qado nin gobabaaniyo, quud hadaan cuna’e

Qushi socodka laafyaha xarago, qaadasha koodhka

Qosolkaan u sheekaynayiyo, qallo la’aanteyda

Hadaad adigu qiimee tidhaa, qoodhyo xeradaa

Bal maxaw qalmaad odhan lahayd, qaalinimadeeda.

Ismaaciil Jiheeye

Halkan ka akhri Suugaantii Abwaan Cabdi Iidaan ee hore loogu daabacay Mareegaha WEEDHSAN

Cabdi Iidaan © Weedhsan Corporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.