Get Adobe Flash player

 

Quudhsigu qiil ma leeyahay? – W/Q. Siciid Jaamac Xuseen

Barnaamij taxane ah oo dhawr bilood soconayey ayaa laanta af-soomaaliga ee BBC-du 25kii bisha Juulay 1998 ku soo gebagebaysey xaflad ballaaran ay ka soo qaybgaleen fannaaniin waaweyn oo caan ah, aqoonyahanno soomaaliyeed, iyo

dad farabadan oo ka kala socda bulshada soomaaliyeed ee ku nool magaalada London fari kama qodna oo waa halkiisii.  Taasaana dib-u-jalleycan keentay.. mawduucu wuu ballaaran yahay.  Wuu murugsan yahay.  Ma suuroobi karto in goobtan aan kaga bogano qaybaha badan ee uu ka kooban yahay.  Sidaas darteed, waxaan ku dadaalayaa inaan dhawr qodob oo muhim ah aan isku ekaysiiyo.  Kuwaas oo aan u arko inay yihiin dulucda barnaamijku xanbaarsan yahay. 

Marka u horreysa, ‘Quursigu qiil ma leeyahay?’

Ma jiro qof soomaaliyeed oo fiyaw oo diintiisa iyo dadnimadiisu aanay farayn:

‘Quursigu qiil ma yeelan karo.’  (misna waa kuwaas oo way ku wada dhaqmayaan ee ma fiyaw yihiin !!)

Muslim ahaan … wax laysku waaniyo ama laysku abhiyo oo diinta ka culusi ma ay jirto.  Madal la isugu yimaaddo aan laysku wacdiyin in Eebbaheen quursiga xaaraantimeeyey ma jirto.

Soomaali ahaan… wax dagaal ama nabad la isugu diri karo oo gabayga ka lixaad  weyn taariikhda ummaddenna lagu ma hayo.  Gabayga ‘ Dhul-gariir’ ee madaalaha Hadraawi dardaaran ku dhammeeyey iyo kan ‘ Hayb-sooca’ ee akhyaarka Maxamed Hiirad dhinac walba ka iftiimiyey, waa lala wada socdaa.

Tiraab af-soomaali ku qoran oo kala dhigdhigaysa gefka, gardarrada, dhagarta, iyo cawaaqib-xumida arrinta hayb-sooca ku duugan sida qoraaga Xasan Cabdi Madar  ku tuuntuunsaday buuggiisa ‘Hiil – Waayaha Dadka La Hayb Sooco’ oo kale weli  looma hayo.

Waano, xigmad, iyo dardaaran la oran karo oo intaas ka baxsan lama sheegin.  Misna si kasta oo ay u culculus yihiin wadajirkoodu daawo arrintaas iyada ah dabar gooysa laga waa.  Waxa caddaatay, cudurkaasi waa mid xaq iyo baadil lays tuso, iyo janno iyo cadaab laysu tilmaamo ka adag.

Marka xigta, waa in la garwaaqsadaa in arrintu sida la moodayo iyo wax u dhow toonna ay ka culus tahay.  Arrinta quursigu – laandheere iyo laangaab, gun iyo gob, sab iyo aji, bilis iyo addoon – waxay la xiriirtaa dhaqan soo jirey qarniyaal badan ay qabyaaladdu sal iyo sabab u tahay.  Sidaas darteed, xallinteedu kuma iman karto duco, waano, canbaarayn gole-ka-fuul ah iyo sharci-dawladeed oo la dejiyo (inkastoo had walba in loo kaashadaa ay waxtar leedahay), ee waxay u baahan tahay in dhaqankaas qolaqolaynta -abtirsiimo iyo isir-raaca- ee soo jireenka ah iyo hab-nololeedka dibudhacsan uu ka shidaal qaadanayo isbeddel weyni ku dhaco.  Laba tilmaamood oo taabasho leh:

Oday soomaaliyeed, Xaaji Sabriye, oo beesha dhexdeeda magac ku leh, waayeelnimadiisa iyo muslinnimadiisana lagu qadderiyo, ayaa nin saaxiibkiis ahi ka dareemay in duqu sidiisa kale oo dhan u wacan yahay; arrinta hay-soocase si ba'an ugu dheggan yahay.  Kolkaas ayuu maalin ay keligood yihiin kula dhiirraday, ' 'Sabriyow, miyaadan ogeyn arrinta isir-sooca ee dadkeenna laga sixi la.yahay inu Eebbaheen xaraantimeeyey oo qofka rumaysan ee ku camal fala aakhiro lagu ciqaabayo?' Wuxuu Sabriye ku jawaabay isagoon haba yaraatee is-lurayn, aad mooddid inu jawaabta kusii tala-galay," Eebbaheen aakhiro halkuu i geyn doono isagay jirtaa; aniguse intaan ifka ku nool ahay sidaan u dhaqmo waan aqaan." Xaaji Sabriye waxaa jiidanaya dhaqan birta ka culus. 

Tu kaloo la mid ah:

"Macallinkii Bashiir ee dugsiga sare ee Mullaax-wanaag madaxda ka ahaa saw inu guursado ma damcin."

'Oo hadduu damco maxaa ku jaban?'

"Waxba, ee gabadha reerkoodii ayaa u diiday."

'Horta iyadu ma oggolayd inay guursato?'

"Haa.  Maxayse kugu tahay! Doonista iyo siintuba reerkay ka go'daa; ee inantu qawl kuma leh."

'Maxaa dhacaya haddii ay ku adkaysato?'

"Waxaa lagu oranayaa:' Ma annaga oo nool ayaad rabtaa inaad ifka nagu aastid, haddaadan adigu taada ka dan lahayn."  Halkaasna mar kale waxaa inoo baxaya:

'inta guurkan -(qaabkan laysu guursanayo ee loo xididayo), iyo guurguurkan -  (qaabnololeedka reer guuraanimada) iyo dhaqanka ka abuurmay ee weli ummaddeenna  gondaha sii haysta, ha u fadhiyin in xornimo qofeed la haweeysto. Midna ku darso, oo magaalo lasoo degaa keligeed (in kastoo ay laga ma maarmaan tahay) kuma filna inay dhaqankan gaamuray ee maskaxda cuskaday si sahal ah u tirtirto. 'Dhar magaalo way fudud tahay saad ku xirataa, dhal magaalo saad ku noqotaase way adag tahay,' waa tii hore loo yiri.

Arrintani waa mindi laba afley ah.  Kan la quursanayo ka sokow, waxaa hubanti ah in kan wax quursanaya laftiisu u baahab yahay in laga xoreeyo is-madax-marka iyo been-ku-faanka uu u dabran yahay.

Iyadoo kooban, arrintani diraasad dheer, qorshe durugsan, hawl ballaaran iyo dadaal wadajir ah oo heer qarammeed gaarsiisan ayaa lagu gudan karaa wax-ka-qabadkeeda.

Waxaa lagaga gudbi karaa iyadoo la helo cilmi, aqoon, akhlaaq, iyo awood laga siman yahay ayna jirto sharci u dejisan oo ay beeshu u wada hoggaansan tahay. 

‘Intee bay hawshaasi qaadan doontaa?’

“Mooyi,  kolleyba waqti dheer..aad u dheer.  Wayse dhaantaa qarda-jeex iyo in suryo oodan ah daawo laga raadinayo lagu habsaamo -  waa laf cad oo toobin lagu hayo.”

Iyadoo BBC-du  ay ku ammaanan tahay ka-sanqarinta arrintan, marna yaan la illaawin, “fool iyo lulmo way kala fog tahay.”

Siciid Jaamac Xuseen

This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Fasaxa Qoraaga ayaannu Qoraalkan kaga xigannay Buugga SHUFBEEL.

Halkan ka akhri Qoraalladii hore ee Qoraaga Siciid Jaamac Xuseen ee lagu baahiyay Mareegaha WEEDHSAN.

Qalinleyda © WeedhsanCorporation

Weedhsan Magazine: Download Free

.