Akhriyaa Liibaana: Qoraa Dhaxal Reeba – W/Q. Siciid M. Axmed
Waxay ahayd goor aan habeen iyo maalin toonna ahayn oo u dhaxaysa labadaas gelin ee xilka la kala wareega hal mar 24-kii saacadood ee kasta ee ina soo mara.
Haddaan buug agteyda yaallay tiigsadoon fiirshey waxaan arkay wax lala yaabo! Cajabeey, cajiib! Waa qormo kooban oo buugaas qormooyin ku xardhanaa ka mid ahayd. Kuye gabadhan aan jecelahay, dhag wanaaga, dabeecad samaanta iyo debecsanaanta ay ii muujisaba ka sokow, waxaabay igu tahbiibtaa oo ii qalqaalisaa sidii aan u guursan lahaa tu kale oo iyada kaba sii layaab badan kana wacan!
Anigoo laba yaaban halka laga helayo ifka iyo aakhiroba lagu janeydaas, ka qaayaha iyo qiimaha badan hablaha qaarad kasta jooga ee hadda qabsoo, dumar waa wada gayaane haddana kala door roone bara dheereysey asaageed, ayaan arkay in qoraagu farshaxinimadiisa darteed dabeecada akhriska iyo daalacashada buugaagta faraha badan ee dunnida buux dhaafshey ku sifeeyey gabadh gashaanti ah oo la majeerto.
Qormadan I cajab galisey wuxuu qoraagu u bixiyey; Dahab Weeyi Gabadhani! Qoraagu waa nin dhallinyaro ah oo la yidhaahdo Axmed Deeq, buuga aan akhriyayayna waa buug uu isagu qorey oo la yidhaahdo “Dhab U Fiiri Waayaha”. Qoraaga maqaalkaas baan ku raacsanayoo, akhrisku waa laf-dhabarta cilmiga iyo aragtida toolmoon ee uu qof bani-aadami yeesho inta uu nool yahay. Akhrisku waa sunne rabaani ah waana wadiiqo hore loo tijaabiyey oo iinsaanka lagu hogo-tusaaleeyo laguna toosiyo. Waxaa tusaale iigu filnaan kara amarkii u horeeyey ee nabigeena (NNKH) lagu soo dejiyey ee ahaa “Iqra” ama “Akhri”. Haddaan wax la akhriyeyn, waxba lama qoreen! Haddaan wax la qoreyna waxba lama akhriyeen! Qoraalku waa dhigaal duug reeba oo ay anfacsandaan jiilal badanoo kala dambeeyaa, akhriskuna waa fal-celinta qoraalka iyo abaal-marinta qoraaga. Sidaas daraadeed, da’yarta JSL ka maarmi mayso inay wax akhrido, falanqeyso oo faaqido tagtadii soo martey iyo joogtada ay maanta ku sugan tahay si ay ugu ilo bixiyaan una qoondeeyaan barta hayaanku beegsanayo iyo mustaqbalka soo socda.
Waxaan u arkaa in akhrisku yahay waxyaabaha maanta loogu baahida badan yahay. Maxaa inaga hortaagan dhiiri-galinta akhriska. Dee waxba. Haddii laga tagi waayana, waynu garawsanahaye, waxaynaan go’aansan uun inaynu ku dhaqaaqno oo ku sifawno ummad wax akhrida, waxna dhugata oo wixii ay maqasho aan ku faafin sida makirifoonka cod-baahiyaha ah, balse weelayso wixii ay akhrido ama aragto ee ay garaadkeeda la kaashato. Akhrisku waa furaha horumarka cid kasta, qof, qoys iyo qaranba. Abwaan Cabdi Sinimoo ayaa yidhi: “wixii la qoraa quruumo hadhee, hadal muxuu qiimo leeyahay”.
Horaa loo yidhi, “nin waliba intuu cunuu ciidamiyaaye”, ana waxaan ku odhan lahaa “nin waliba intuu akhriyuu awaalo-waramaa”.
Siciid M. Axmed
Hargeysa, Somaliland
© Weedhsan Corporation











