QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

Maansayahankii Koowaad – W/Q. Maxammed Aadan Ciiraale

Haddii aad hadda ka hor is weydiisey su’aasha ah: Waxa maanso la yiraahdo hor iyo horraan yaa bilaabay, sidee se ku bilaabatay? Waxaan kuu qiraayaa in aad martay waddo raadku ku yar yahay, welibana aad tahay qof arrimaha aan dul roorin ee hoos ugu dhaadhaca.

Sidoo kale waxa laga yaabaa in aad is weydiisey: Waxa maanso la yiraahdaa maxay tahay, maxayse hadalka caadiga ah kaga duwan tahay?

Haddii aan isku dayo in aan ka jawaabo su’aasha dambe, maanso waxaa lagu qeexi karaa: Waa soo noqnoqoshada hirar codeed oo is laa-le’eg. Tusaale ahaan, haddii qof yiraahdo:

“Damalkaa tukaa fuushan” waa hadal ama tiraab. In ay maanso (tix) noqoto iyo inay hadalka ama tiraabnimada ku joogto waxay ku xiran tahay  wixii lagu daro, oo haddii la yiraahdo:

Damalkaa tukaa fuushan - tukihii damalkii waa ka duulay. Waa hadal ee maanso ma aha. Waayo hirar-codeedkii koowaad la lama sii raacin ee bad hor leh ayaa la furay. Haddiise la yiraahdo sidatan:

Damalkaa tukaa fuushan - tukihiina waa duulay -  mid kalaa ka daba ‘taw’ leh - damac baa ku yiri ‘tiigso’. Waxay noqonaysaa maanso. Waxaana yeelay, waxaa la la sii raacay hirar-codeedkii koowaad.

Waxaa jira arrimo kale oo maansada muhiim u ah oo uu ugu horreeyo xarafraacu (Qaafiyaddu). Hase ahaatee, la’aantood ayey maanso jiri kartaa, tusaalena waxa u ah jacburka.

Maansada waxaa loo baahan yahay marka ay qofka la soo gudboonaato arrin dareen kicis leh, oo maskaxdiisa kicin iyo xiismid gelisa. Arrintaas ayaa u baahata in si hadalka caadiga ah ka dareen taabasho weyn, kana qurux iyo xarrago badan loo sheego. Kaalintaas uu maansayahanku dareen sheegadkiisa kor ugu qaadayo ayey buuxisaa maansadu.

Maansadu – sida hadalka caadiga ah – waa miro maskaxeed. Laakiin, farqiga u dhexeeya labada ayaa ah in marka maskaxdu hadalka samaynayso aysan wax xakamaynayaa jirin. Meesha marka ay maansoonayso ay tahay in ay raacdo tubo qaydan.

Maansayahanka dabeecad ahaan is beddel baa ku dhaca marka uu maansoonayo, oo waxaa laga yaabaa in marka caadiga ah uu ahaa qof af gaaban oo dhawrsada, laakiin marka uu maansoodo uu la soo baxo dhiirranaan uu ama wax ku aflagaaddeeyo ama ba waxyaabo lagu la yaabi lahaa haddii uu hadal ahaan u yiraahdo uu maansada ku sheego, welibana aan dadku kula yaabin. Waxaana keenaya in ay dadku maansada ka aqbalaan wax aysan hadalka ka aqbaleen, iyaga laftigoodii ayaa maansayahanku duufsanayaa oo waxay gelayaan xaaladdii isagaba dhaqankiisa beddeshey.

Haddaan ku noqdo su’aashii ahayd qofkii ugu horreeyey oo maansooda, dabcan lama yaqaan, laakiin, waxaa dhab ah in uu jirey qof maansada bilaabay oo aan looga horrayn ama dad meelo kala duwan ka bilaabay iyagoo aan looga horrayn. Waxaa kaloo su’aashaani keeni kartaa midda ah: Yuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo hadlay?. Kolleyba hadallada Aadanuhu waa laamo ka farcamay isku jirrid dabadeedna kala leexday, af walbaa na uu maansadiisa iyo qaabka ay yeelanayso ku keliyaystey. Marka aynu ka hadlayno bilaabashada maansada'na, laga ma wado in ay jirtey muddo dheer oo ay dadku hadal keliya yiqiinneen oo aysan maansoon jirin. Waxay tilmaantu ku mudan tahay oo aynnu farta ku fiiqeynaa waxa weeye: soohdinta u dhexeysa tix iyo tiraab iyo markii ugu horreysey oo laga tilaabay iyo qofkeedii.

Jiiftada tan hoose waxay isku deyeysaa in ay mala awaasho  sababtii uu u maansooday qofkii ugu horreeyey ee aan cid uga horreysey kaga dayan. Sidoo kale, waxaa loogu tala galay in ay dadka ku baraarujiso in uu jirey qof maansada bilaabay, isla markaa na ay maamuus u noqoto dhaliyihii iyo dhalashadii maansadaba. Ogowna haddii ay jiiftadaan ka dhadhanto in maansadii koowaad nin tiriyey, taasi waa meesha hadalku  maray ee waxaa dhici karta in qofkii ugu horreeyey ee maansoodaa uu ahaa qof dumar ah!

Falkin weeye maansadu

Iyo maan farsamadii

Maskax faarumayskeed

Marka ibaha foorora

Furihii ka siibtaan

Farkuddoonka ereyada

Fulin kara ujeedkiyo

Fongoruhu is buuxshaan

Togag soo faruurmaan

Qarar soo fullaacaan

Fedda baxo khayaaligu

Furin aan xudduud jirin

Feker goostay dabarkii

Filashona cir weyn tahay

Dhul an lagu firshoon oon

Arag faylo raad dhiga

Dhirta faygu dheer yahay

Figta ugu sarraysiyo

Waa miro ku yaal fiin

 

Waxse iigu filan yaab

Ina faarshey madaxii

Maansaba ninkii furay

Falay dawga loo maro

Wuu iga fajiciyee

Fureheeda saw helay?

Ma cirkuu u foofoo

Malaa’iig faqaysoo

Sirta fayl ku sidatuu

Fareheeda kala baxay?

 

Felegyada wareegiyo

Xiddigaha fogaadee

Firirkoodu yaacee

Faahsada ilayskee

Fiidkii markey tahay

Ina fiirsanaayiyo

Cirirkiyo farraarraha

Ma farriin ka timiyoo

Fooruhu ku taabtaa?

 

Ma fad hoorrimaadiyo

Hanqar dhega-furaysiyo

Feegaarka biriqdee

Fanka loo saxiixiyo

Fikashada hillaaciyo

Faahfaaha waagiyo

Marka daahu feydmiyo

Qorrax foodda keentaa

Ugu laabtay faraqoo

Tiri “Hoo farshaxankoow”?

 

Mise fiinta heestiyo

Firimbiga gobyahankiyo

Shimbiraha fannaanka ah

Codadkooda fayllama

Fiiq-fiiqda kaymaha

Isu faanka laxammada

Xalladaha furdaanshaa

Fara saaray maankoo

La falgalay dareenkii ?

Mise wuxu ka fiirsaday

Ciyow fuushanaa laan ?

 

Mise farow didaayiyo

Faras gaahi rooriyo

Goray baalka fidiyiyo

Fadal rays la boodiyo

Fiitada ruxmaysiyo

Finfiniinka uduggee

Ubaxyada ka faaxiyo

Foorida cambuushaa

Tiri “Yaabka fooshiyo

Xiisaha ka faallood” ?

 

Ma fallaar kagacal iyo

Firi laab ku dhalatiyo

Gabar liilan fiicnayd

Garbohoo fitaaxiyo

Dhexda weydey faayaal

Kala tahay fan iyo qaar

Qalbigeeda furan uu

Qarin waayey foolkii

Nin jacayl ku falayoo

Wadanaha fariistoo

Furka caashaq tuuraa ?!

 

Kolley fiirin-wacashiyo

Maansada fudayd iyo

Kaga dayo fulaan iyo

Hebel kale facaysiyo

Uma geynnin faanfaan

Arrin fara ka haaddiyo

Fal dareenka kiciyoo

Sida firo xagaayeed

Cirka lagu faruur xiray

Fanashada awaalkiyo

Fahmaduu ku sahan tegey

Iyo faas u daabnaa

Bal malee fariidoow!

 

Maxammed Aadan Ciiraale

Email: Looga-qaateen@hotmail.co.uk

London, UK

© Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 67 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us