QORAALLADA IBRAAHIN HAWD

Raadi

FOLLOW US ON FACEBOOK

RAMADAAN KARIIM: Raxmadda iyo Dulqaadka – W/Q. Siciid Ibraahim Xuseen

waa Raxiim oo Addoomadiisa wuu u raxmad badan yahay, waana u dhibirsan yahay oo u dulqaad badan yahay,Ilaahay Addoomadiisu hadday wax ka dalbaan ama denbi dhaaf weydiistaan wuu u naxariistaa oo waxay u baahan yihiin iyo siyaadoba wuu siiyaa,sidoo kale Alle dad fara badan oo caasiya oo diida amarkiisa iyo waajibaadkiisa wuu u dulqaataa oo wuxu siiyaa fursad ku filan oo ay ku soo noqon karaan,oo ay ku fekeri karaan xaqiiqada iyo Aayadaha Ilaahay,ee ka muuqda waxyaalaha ku xeeran iyo naftoodaba ay eegaan oo ku caqli qaataan.

Magacyada Ilaahay waxa ka mid Raxmaan iyo Raxiim oo raxmadda Ilaahay caddaynaya sidoo kale magaca Xaliim oo dulqaadka Alle sheegaya.

Raxmadda Ilaahay way ballaadhan tahay oo shey kasta way gaadhaa:

ورحمتي وسعت كلّ شيء(الأعراف)

Aayadda:Raxmaddaydu waa mid shey kasta gaadha oo ballaadhan oo waasic ah. Diinteenna xaniifka ihi waa raxmad Alle inoo soo dejiyey,oo Nebigiisa nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee innoogu soo dhiibey:

وَنَزَّلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ تِبْيَانًا لِكُلِّ شَيْءٍ وَّ هُدىً وَّ رَحْمَةً وَّبُشْرىٰ لِلْمُسْلِمِيْنَ(النحل)

Aayadda:waannu kugu soo dejinney(Nebi Allow)Kitaabka isagoo shey kasta caddayn iyo sharrax ka bixinaya,oo hanuun iyo raxmad iyo bushaaro u ah Muslimiinta. Sidoo kale Ilaahay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,uu inoo soo diray wuxu inoo yahay Raxmad oo xaqii ayuu inoo caddaynayaa oo ina tusayaa,oo  waddadii toosnayd ee aynu ka helaynay naxariista Eebbe ina barayaa:

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلاَّ رَحْمَةً لِّلْعَالَمِيْنَ(الأنبياء) 

Aayadda:kuuma Aannu soo dirin waxkale raxmad aad u tahay caalamiinta(dadka) mooyee. Rasuulkuna wuxu yidhi:waxan u ahay dadka raxmad iyo hanuun:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: إنّما أنا رحمة مهداه.

Xadiiska:waxa Rasuulka Alle,sallallaahu calayhi wasalam yidhi:waxkale ma ahee waxan ahay raxmad lagu hanuunayo oo lagu hadoobayo.

Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu ahaa mid jecel oo u naxariis badan Muuminiinta:

لَقَدْ جَاءَكُمْ رَسُوْلٌ مِّنْ أَنْفُسِكُمْ غَزِيْزٌ عَلَيْهِ مَا عَنِتُّمْ حَرِيْصٌ عَلَيْكُمْ بِالْمُؤْمِنِيْنَ رَؤُوْفٌ رَّحِيْمٌ) التوبة)

Aayadda:waxa xaqiiqo ahaan la idiin soo diray Rasuul idinka mid ah oo ah mid ka xanuunsanaya hadday dhib idin taabato oo idiin dadaalaya,oo u ah Muuminiinta mid dhibirsan oo u naxariis badan.
Naxariista Rasuulka iyo raxmaddiisa darteed waxay sababtay inay dadku jeclaadaan oo ku soo ururaan,oo ka faa´iidaystaan cilmigiisa iyo khayrkiisa:

فَبـِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللهِ لِنْتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنْتَ فَظًّا غَلِيْظَ الْقَلْبِ لاَنْفَضُّوْا مِنْ حَوْلِكَ(آل عمران)
Aayadda:Raxmadda Eebbe darteed ayaad u noqotay dadka mid u debecsan,oo haddii aad noqon lahayd mid adadag oo qalbi qallafsan way ka yaaci lahaayen hareerahaaga.
Dadka Muslimiinta ahi waa kuwo isu naxariis badan oo isku tiirsan :
مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاء عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاء بَيْنَهُمْ(الفتح)

Aayadda:Maxamed waa Rasuulkii Alle,kuwa weheliyaana waa kuwo ku adadag Gaalada oo isu naxariista iyagu dhexdooda.

Sidoo kale wuxu Ilaahay inoo soo dejiyey Quraan inoo ah shifo aynu isku dawayno,oo inoo ah raxmad iyo naxariis:
ونُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَّ رَحْمَةٌ لِلْمُؤْمِنِيْنَ(الإسراء)

Aayadda:waxa Aannu Quraanka soo dejinnay isagoo u ah shifo iyo raxmad Muuminiinta.
Ilaahay naxariistiisa iyo raxmaddiisa darteed waxa uu qof kasta eegaa itaalkiisa iyo wuxu awoodo ee karayo,oo wax aanu itaal u hayn kuma ciqaabo:
لاَ يُكَلِّفُ اللّهُ نَفْسًا إِلاَّ وُسْعَهَا(البقرة)

Aayadda:Alle nafna kuma kellifo itaalkeeda mooyee wax kale(Awooddeeda).
Ilaahay aad buu Addomihiisa ugu naxariistaa iyagoo denbiyo samaynaya ayuu Ilaahay u dhaafaa oo u kaadiyaa,waa intaas oo ay toobad keenaane:

Alle wuxu Addomadiisa u sheegayaa inaanay marna ka quusan raxmadda iyo naxariista Eebbe,ee ay Alle ku xidhnaadaan oo denbi dhaaf weydistan:

قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِيْنَ أَسْرَفُوْا عَلـٰـى أَنْفُسِهِمْ لاَ تَقْنَطُوْا مِنْ رَحْمَةِ اللهِ(الزمر)

Aayadda:waxad(Nebi Allow)tidhaahdaa:Addomayohow naftooda ku tagri falay,ee israafay ha ka quusannina raxmadda Alle.

Waxa Muuminiinta wanwanaagsan ee khayrka isfara Alle ugu ballan qaaday inuu u naxariisto oo ay raxmaddiisa helaan:

وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلاَةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ أُوْلَـئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللّهُ إِنَّ اللّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ(التوبة)

Aayadda:Muuminiinta Rag iyo Dumarba badhba badhka kale ayay jaal u yihiin,oo waxa ay isfarayaan wanaagga oo iska reebayaan xumaha,oo Salaadda oogayaan oo Sakadana bixinayaan Alle iyo Rasulkiisana adeecayaan,kuwaas Alle ayaa u naxariisanaya Alle waa ka Casiiska qaaliga ah,ee Xakiimka ah.
Waalidku waa kuwo mar kasta u naxariista oo jecel ubadkooda,waxa qofka Muslinka ah la gudboon inuu u duceeyo Waalidka oo u gudbiyo adeeg wanaagsan oo raalli geliya Waalidka,una dhibirsanaado:
وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيراً(الإسراء)

Aayadda:u debci dhaqanka oo naxariis u samee oo dheh Rabbiyow ugu naxariiso (waalidkay) siday ii soo rabbeeyen markaan yaraa.

Qofka muslinka ah waxa laga rabaa inuu lahaado oo ku sifoobo dhamaan sifooyinka wanaagsan ee diinteenna xaniifka ahi ina fartay oo ay ka mid tahay naxariistu,qofku waa inuu u naxariistaa cid kasta oo u baahan taageero iyo taakulo,oo itaalkiisa aanu waxba ka hagran ee u huro wuxuu awoodo,waxana qaali ah in qofku uu cafis iyo saamaxaad u sameeyo dadka isagoo kara inuu ka aarsado ama ka goosto wuxuu ku sameeyey,qofka sidaa sameeya Alle abaalgud iyo ajar fiican ayuu siinayaa,qofkii uu saamaxayna wuxu xumihii u beddelayaa wanaag,oo wuxu ku deyanayaa inuu isna uu  sifadaas oo kale kasbado oo naftiisa baro:

والكاظمين الغيط والعافين عن النّاس والله يحبّ المحسنين(آلعمران)

Aayadda:kuwa laqaya cadhada(cadha burburaya),ee cafiyaya dadka Alle waa jecel yahay kuwa muxsiniinta ah ee ixsaanka iyo wanaagga sameeya.

Dadka Muslimiinta ah Alle waxa uu farayaa in ay isu dhibirsanaadaan,oo is caawiyaan iskuna taageersadaan khayrka iyo wanaagga:

وتعاونوا على البرّ والتّقوى ولا تعاونوا على الإثم والعدوان واتّقوا الله إنّ الله شديد العقاب(المائدة)

Aayadda:isku caawiya wanaagga iyo cabsida Eebbe,oo ha isku caawinnina denbiga iyo cadawtinnimada,oo Alle ka baqa Alle ciqaabkiisu waa mid daran oo adage.

Qofka dadka iyo noolaha kaleba u naxariista Ilaahay ayaa u naxariista oo taageera:
وعن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما أن رسول الله قال: ((الراحمون يرحمهم الرحمن، ارحموا من في الأرض يرحمكم من في السماء)) [رواه أبو داود والترمذي]

Xadiiska:Cabdillaahi Ibnu Camro Alle ha ka raalli noqdee,waxa uu sheegay in Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee uu yidhi:kuwa naxariista Raxmaanka ayaa u naxariista.
Qofka aan dadka u naxariisan isagana Alle uma naxariisto:
وعن جرير بن عبد الله رضي الله عنه قال:قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:من لا يرحم النّاس لا يرحمه الله.

Xadiiska:Jariir Ibnu Cabdillaahi,Alle ha ka raalli noqdee waxa uu yidhi:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ayaa yidhi:ka aan dadka u naxariisan Allena uma naxariisto.
Waxa Rasuulka Alle sallallaahu calayhi wasalame kala kulmay Maka iyo dadkii Quraysheed dhib fara badan,dabadeed waxa uu qabtay Magaalo Daa´if la yidhaahdo bal in ay taageeraan oo Risaaladda qaataan,nasiib darrose carruurtii iyo dumarkii ayay ku yidhaahdeen dhagxiya oo erya,dhib badan ayaa ka soo gaadhey oo lugihiisa sidii ay dhagax ula dhacayeen ayaa dhiig ka soconayey,wuu iskaga tegey Rasuulku isaga oo dareenkiisu dhibtii darted aanu caadi ahayn,markuu marayey meel la yidhaahdo Sacaalib ayuu wax kala gartay,dabadeed waxa uu arkay daruur dushiisa ah markuu eegay ayaa waxa uu arkay Malakul Jibriil,waxa uu Malakul Jibriil ku yidhi:Alle waa maqlay waxa ay ku yidhaahdeen Qowmkaagu iyo sida ay kuula dhaqmeen,waxana Alle kuu soo diray Malagga Buuraha si aad ugu amarto waxa aad rabto,dabadeed Rasuulkii waxa uu yidhi:Malaggii Buuraha ayaa ii dhawaaqay oo i salaamay,waxa uu igu yidhi:Maxamedow waa adigu sida aad doonayso haddaad doonto labadaa buurood ayaan iyagoo ku dhex jira isku dhirbaaxayaa,Rasuulku waa naxariis miidhane waxa uu yidhi:mayee waxa aan rajaynayaa in Alle dhabarradooda ka soo saaro oo ay dhalaan kuwo Alle keligiis caabuda,oo aan u shariig yeelin ee iska daa:

...فناداني ملك الجبال فسلّم عليّ ثمّ قال:يا محمد ذالك فيما شئت،إن شئت أطبقت عليهم الأخشبين،فقال رسول الله صلى الله عليه وسلّم بل أرجو أن يخرج الله من أصلابهم من يعبد الله وحده لا يشرك به شئًا.
Xadiiska:…waxa ii dhawaaqay Malaggii buuraha oo i salaamay ka dib yidhi: Maxamedow waa sida aad adigu doonto haddaad doonto labadaa buurood ayaan isku dhufanayaa oo ay ku dhex baabi´ doonaan,waxa Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:mayee waxa aan rajeynayaa in dhabarkooda Alle ka soo saaro kuwo Alle kelidii caabuda oo aan u shariig yeelin.
Waxa qofka Muslinka ah laga rabaa inuu naxariis u yeesho wax kasta oo naf leh waxa jirta in haweenay ay Jannada ku gashay Eey ay biyo siisay isaga oo aad u harraadan, halka ay haweeney kale Cadaabka ku gashay Bisad ay gaajo ku dishey,markii ay meel ku xidhay oo iyaduna wax siin weydey una ogolaan weydey in ay quudkeda raadsato, markaa waa in aynu u naxariisannaa noolaha oo dhan,oo kuwa aynu ka xoog badan nahay aynaan ku taagsan oo ilaalinaa,sida Qudhaanjada aynaan ku tuman ee ka leexanno,xawayaanka kalena u wada naxarriisanno.

Raxmadda Alle inna siiyey oo badan aan soo qaadanno Habeenka iyo Maalinta,sida Alle naxariistiisa uga yeelay mid la qaato nasasho iyo mid la xoogsado oo iftiin ah:

ومن رحمته جعل لكم الّيل والنّهار لتسكنوا فيه ولتبتغوا من فضله ولعلكم تشكرون(القصص)

Aayadda:Raxmaddiisa Alle waxa ka mid ah waxa uu ka yeelay Habeenka iyo Maalinta mid aad ku degtaan oo ku nasataan,iyo mid aad raadsataan fadliga iyo arsaaqda Alle,waxa la arkaa in aad shugri naqdaan.

Mar kasta ogow kuna seexo oo ku soo toos naxariis,oo dadka Muslimiinta ah la wada jeclow wanaag iyo horumar,markaas ayaa dadkuna ku jeclaanayaa oo Allihii abuurayna ku jeclaanayaa,oo wanaag kuugu abaalgudayaa insha Allah.

Dulqaadku waa shey qaali ah Alle subxaana watacaaalaa,waa Xaliim,waana dulqaad badane,iyada oo Alle awood u leeyahay in Addoomada uu Isagu abuuray uu halaago markiiba hadday caasiyaan oo abaalkooda mariyo,laakiin Alle wuu u dulqaataa oo waxa uu siiyaa fursad ay ku fekeraan oo ku beddeli karaan dariiqoodii khaldanaa, haddii ay ku sii dhega adaygaanna Alle wuu u dulqaataa ilaa ajashii uu ugu talogalay dhamaato,oo cid walba la xisaabiyo wixii ay soo kasbaday:  

وَلَوْ يُؤَاخِذُ اللهُ النَّاسَ بِمَا كَسَبُوْا مَا تَرَكَ عَلـٰـى ظَهْرِهَا  مِنْ دَابَّةٍ وَّلـٰـكِنْ يُؤَخِّرُهُمْ إلـٰـى أَجَلٍ مُسَمًّى فإِذَاجَاءَ أَجَلُهُمْ فَإنَّ اللهَ كَانَ بِعَبَادِه بَصِيْرًا(فاطر)

Aayadda:haddii Alle u qabanayo dadka waxay kasbadaan ee ay sameeyaan,kuma hadheen Adduunkan korkiisa wax daabbad(sanku neefle)ahi,laakiin dib ayuu Alle ugu dhigaa ilaa ajal go´an hadday timaaddo Ajashoodu,Alle Addoomadiisa waa kii arkaya ee og. Alle subxaana watacaalaa,wuxu dadka u soo diray Rusul tusta oo u sheegta xaqa,kii shugri naqa iyo kii gaaloba Alle wuxu la sugaa xisaabtiisa:
فذرهم يخوضوا ويلعبوا حتّى يلاقوا يومهم الّذي يوعدون(الزخرف)

Aayadda:iska daaya oo iskaga taga hayska galeen hawadooda,oo hayska cayaareen ilaa uu ka haleelayo oo u imanayo maalinkoodu(ajashoodu)ee ballanta u ahayd.

Dulqaadka iyo qowlka ama hadalka wanaagsan,ee aad dadka kula dhaqanto ayaa markasta laga door bidaa manno sheegashada,xataa haddaad wax bixinayso:

قول معروف و مغفرة خير من صدقة تتبعها اذى و الله غني حليم(البقرة)
Aayadda:hadal wanaagsan iyo denbi dhaaf ayaa ka khayr badan sadaqo aad raaciso dhibaato ama manno sheegasho,Alle waa Qani dulqaate ah.

Tusaale Fircoon oo Alle caasiyey oo Ilaahnimo sheegtay,haddana Ilaahay dulqaadkiisa markuu Nebi Muuse iyo Nebi Haaruun u diray,wuxu ku yidhi u tega Fircoon oo hadal debecsan oo wanaagsan ku dhaha,waa intaas oo uu waano qaato ama cabsado´e:

إذهبا إلى فرعون إنّه طغى فقولا له قولا لينًا لعله يتذكر أو يخشى(طه)

Aayadda:u tega Fircoon wuu xadgudbeye,oo ku dhaha hadal debecsan waxa la arkaa inuu waano qaato oo cabsado´e.

Iyadoo Alle og yahay Fircoon iyo camalkiisa gaalnimada ah haddana Nebigii Eebbe, waxa la farayaa inuu adeegsado hadal wanaagsan oo debecsan,halkaa waxad ka garan kartaa oo arkaysaa dulqaadka Alle,iyo sida Alle u siinayo qof kasta waqti dheeraad ah oo uu ku fekero xaqa,oo ku soo laabto oo ku toobad keeno.

Alle subxaana watacaalaa,waa dulqaad miidhan oo dadka amarkiisa diida wuxu siiyaa fursad oo wuu u dulqaataa xumaha ay samaynayaan,oo markiiba kama jasaa´i siiyo,ee wuu u kaadiyaa waa intaasoo ay soo noqdaane:

ذرهم يأكلوا ويتمتّعوا ويلهيهم ألأمل فسوف يعلمون(الحجر)

Aayadda:iska daa ha iska cuneen oo ha iska raaxaysteen oo ha kaxaysato rajada iyo amalkuye,way garan doonaan waxa ay samaynayaane.

Waxa la innaga rabaa dulqaad iyo in aynu badiyaa ama mar kasta dadka cafino oo saamaxno innaga oo ka aargoosan karma haddana u dulqaadanna,taasi waxa ay dhalinaysaa in dadku iskaga daydaan wanaagga iyo dulqaadka iyo naxariista,oo ay sharaf iyo dhaqan wanaagsan Ummadda u noqoto.

Naxariiso weligaa
Ha nebcaysan ruux qudha
Noloshu waa wadaagiyo
Niyadsamida khayrkiyo
Naawilaadda wacan ee
Nabaddiyo barwaaqadu
Nefis ay u baahdoo
Naf kastiba Ilaahay
Nimcadiisa garatoo
Naruurada cibaadada
Nalka ay u shidatee
Nasashada khushuuca leh
Naxariista Eebbiyo
Negaanshaha wanaagga ah
Nadiiftaa Quluubtiyo
Nuxurkaa iftiimaya
Noogid li´i dadaalkiyo
Nidaamkaa Ilaahay
Nuurkiisa raacoo
Nafaxaadka bogashada
Noloshaada taageer
Naftaaduna cibaadiyo
Niyaddoo khushuuc liyo
Nimco yaanay moogaan
Naxariista Eebbiyo
Noolow adoo mudan
Ninna baahitiridiyo
Naallayn ha waydiin
Nafta Alle ku xidho oo
Nabarrada begsiiyoo
Noolee cibaadada
Nuug barakadeedoo
Naasku yaanu kaa gudhin
Naxariista Eebbiyo
Nimcadiisa galabsoo
Nabadgelyada dooroo
Nafta dooji weligaa
Nafta dooji weligaa.
Alle waxan ka baryaynaa inuu innaga yeelo kuwo isu naxariista oo isu dulqaata.

Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w

© Weedhsan Corporation

WEEDHSAN MAGAZINE - Download Free

Weedhsan Issue 5

Weedhsan Magazine Issue 2

Who's Online

We have 290 guests and no members online

Find us on Youtube
Find us on Facebook
Follow Us