balaadhan oo ummada dalkaasi ugu dabaaldegayso madaxbanaanideedda gu’jirsatay. Sidoo kale, waxay munaasibadani ka dhacday dhamaan magaalooyinka kale ee dalka Koonfurta Sudaan iyo dhamaan dacaladda dunida oo dhan marka laga reebo Somaliland iyo Somalia, taas oo dhamaantood loogu dabaaldegayo sanad guuradii koowaad ee gooni isku taaga dalka koonfurta Suudaan ay kaga go’een walaalahooda waqooyiga Suudan oo hore ay iskugu ahaayeen wadan kaliya oo Sudan ku kooban magac ahaan.
9/July/2011, ayuu dalka koonfurta Suudaan noqday dalka 55-aad ee midawga Afrika iyo dalka 189 aad ee jimciyadda quruumaha ka dhexeysa, ka dib markii ay halgan dheer u soo mareen xornimadooda, iyagoo illaa todobaatanaakii ku jiray dagaallo ay ku xoreynayaan dalkooda, islamarkaana sameeyay Jabhado kala ahaa Yaya one iyo Yaya two oo markii dambe baaba’ay.
Waxa kale oo sideetaamaadkii ay soo aasaaseen jabhadii SPLA, SPLM oo uu hogaamiye ka ahaa xornimo u dirirkii dadkii koonfurta Sudaan John Grande.
Halgan dheer ka dib waxay jabhada dadka koonfurta Sudaan xornimadooda u dagaalamayey iyo maamulkii Khartuum ay wada galeen 2005-tii heshiis sharci ah oo cad CPA(comprehensive peace agreement) kaas oo dhigaya in muddo shan sanadood ah ay isku jirayaan(midnimo ) iyo maamul goboleed dawlad wadaaga wada leh.
Intaa ka dibna 9, Jenaury 2011-ka laga qaadi doono afti dadka koonfurta Sudan, waxaanu ahaa heshiis cad oo ay qeexan yihiin qodobada lagu heshiiyay, waxaana ka mid ahaa in madaxweynaha waqooyigu qaato, ku xigeenka koonfurtana la siiyo, waxaan labaddaa jago u kala ahaa madaxweynaha Cumar Xasan Al bashiir halka madaxweyne xigeenkuna uu ka soo jeeday koonfurta oo uu ahaa John Grande, waxaana si isleeg loo qaybsaday wasiirada iyo xilalka sarsare ee muhiimka ah, iyadoo la siiyey koonfurta Sudana maamul hoosaad, iyadoo dawlada guud ama mida fadaraalka ahi ka dhaxayso sidoo kale ciidamadoodii jabhaduhu sidoodii ay ugu dhisan yihiin ayaa la sameeyay ciidan guud oo ka wada dhexeeya oo ay Koonfurtu wax ku darsatay, waxaana la yidhi dakhliga dalka soo gala iyo mucaawimadda waxaad u qaybsanaysaan 50/50 ama laba is leeg muddo shan sanno ah.
Aftidii laga qaaday Koonfurta Suudaan natijadoodu waxay noqotay in 99% ay u codeeyaan go’ooni isku taag, waxaana si rasmiah loogu dhawaaqay madax banaanidoodda.09 july,2011-kii.
sidaana waxay ku noqdeen dalka 54-aad ee midawga Africa iyo dalka 193aad ee aduunka
Heshiishkaas koonfurta Suudan kaga goday Suudanta kale ee (CPA) waxay kala saxeexdeen 2005-tii, waxaanu ahaa shan sano oo ilaa 2010 ku simman.
SOMALILAND OO MUGDI KU JIRO GOONI ISU TAAGEEDII
Dhinaca kale waxa muqdi gashay tan iyo 27 july, 2010 gooni isku taaga Somaliland oo ah markii uu xilka la wareegay madxweynaha Somaliland ee hadda talada haya mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyadoo hore looga shakisnaa kulan ay ka qaybgaleen markii ay Kulmiye ahaayeen Siilaanyo iyo Dr:Maxamed Cabdilaahi oo ka dhacay dalka Maraykanka, kaas oo uu soo qabanqaabiyey senator Doneld Bayne shirkaas oo Daahir Rayaale oo madaxweyne ahaa diiday, ka dib markii Puntland iyo Somalia la yidhi way idin kala qayb galayaan, waxaana markiiba bilaabmay markay dawlada qabteen tuhuno laga qabay inay Somalia u socdaan iyagoo shirar kala qayb galay maamulada Somalia ka jira. Waxaana markii kowaad uu wasiirka Duulistu kala qaybgalay wasiiradda dhigiisa ah ee Somalia iyo Puntland shir. kaas oo lagu sheegay in lagu qaybsanayey lacagihii duulista iyo hawada ee laga qaadayay diyaaradaha mara hawada Somalia.
Markii labaadna waxa maamulka Somaliland ka qayb galeen shir ka dhacay Maraykanka maamulada Somaliya, kaasoo sida la sheegay lacago iyo mucaawinooyin lagula qaybsanayo maamulka Somalia markii sadexaadna waxa lagu kulmay Dubai.
Intaas oo jeerba waxa maamulka Siillaanyo u sheegayey bulshadda reer Somaliland inay qaybtooda ka soo qaadayaan waxa la siinayo Soomaalida, waxa kale oo iyana dhacday in Somaliland iyo Somalia wada galeen heshiis ay kula wada dagaalamayaan oo ay iska kaashanayeen la dagaalanka budhcad badeedda iyo argagixisada kuwaas oo dhaqaalana lagu qaybsaday.
Intaa ka dib waxa mar kaliya lagu war helay wasiir dawlada Ingiriiska ka tirsan oo ku dhawaaqay in shir wada hadal ay u qabanayaan dhinacyada Somalia ku loolamaya ee maamuladdu ka jiraan oo Somaliland ku jirto, isla markaana waxa beeniyey wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar oo sheegay inaanay Somaliland ka qaybgalayn, balse inyar ka dibna waxa bilaabmay safarkii ay ku yimaadaan safiirada Ingiriiska iyo Maraykanka oo ka socday safaaradaha ay ku leehiyiin Kenya iyo Ethiopia ugu dambayna, waxay xukuumadda Somaliland ogolaatay inay ka qaybgasho shirkii Ingiriiska ka dhacday 23 February,2012. shirkaasna waxa ka soo baxay qodobo aan kala cadayn waxa rasmiga ah ee lagu kala baxayo ama lagu midoobayo in kastoo Raysal wasaraha Itoobiya sheegay in qodobada laga soo saaray hore u sii qornayeen una sii diyaarsanaayeen. Waxa xigay shirkii labaad ee Ingiriiska ee 21-22 June oo 8 qodob kasoo baxeen, hadana waxay Somaliland ka qaybgashay shirkii kooxaha Somalida ee 31 may ilaa 1-da June 2012 ka dhacay Istanbul Turkiga, hadana waxay Somaliland markii u danbaysay ka qaybgashay shirkii Dubia ee ka dhacay 28 June ilaa 1-dii july oo ay ka soo baxeen waxaan ilaa hadda kala cadayn, waxaana laga calaamadiyey dhawr qodob oo Ra’yi caamka lagu soo dhex turay oo kala ah.
Qodob ah Somalia iyo Somaliland inay wada hadlaan oo ku jiray qodobadii kasoo baxay shirkii kowaad ee London 23 Febraury, 2012 ka dhacay oo aanay cadayn sida ay u wada hadlayaan iyo waxay ku wada hadlayaan nooca uu yahay, midow mise go’itaan, xitaa hadii go’itaanka ay ka wadda hadlayeen qaabka loo kala go’ayaa ma cadda sidii koonfurta Suudaan uga go’day oo ku cadayd heshiishka shanta sano ee CPA (Cophen Peace agreement).
Sidoo kale, waxaan cadayn haddii midowga ay noqotona ma cada sida midowgaasi u dhacayo.
Qodobka 8aad ee shirkii dambe ee London 21-22 june,2012 ka dhacay ka soo baxay, waxaa uu sheegayay in Somaliland ay dawladda ku meel gaadhka ah la dhamaystiro inay dawladda rasmiya ka dhalato Soomaaliya oo laga baxo ku meelgaadhka, qodobkaas oo shaki badan iyo tuhuno badani ku duugan yihiin sababta dawladad Somaliland u dhexgalayso arrimaha Somalia oo aan cadayn.
Qodobka kale ee isna sheegaya in labadda dhinac ee Somaliland iyo Somalia sharciyaqaano keensadaan si wixii heshiiskii hore ee midowgooddii hore 1960 kii u eegan iyadoo aan la kala cadayn cida sharci yaqaanadaasi ay yihiin iyo waxay ka garqaadayaan, waxaana muhmal ku jira oo kale ma kala go’I dambe ee Somaliland 1991 kii kaga go’day Somalia-da kale.
Si kastaba ha ahatee labada madaxweyne ee Somalia iyo Somaliland mar kasta oo ay warbaahinta ka hadlayaan waxay yidhaahdaan, tusaale ahaan Sheekh Shariif “Waa alxamdulilaahi haddii maanta Somalia dib u midowday xiitaa walaalahayaga Somaliland”. Halka Axmed Siillaanyo, ka yidhaahdo. “Gooni isu taaga Somaliland marnaba gorgortan ma galayo, waxna u dhimi mayaan wada hadalada aanu Somalia la yeelanayno”
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland iyo Xilibaanada Siilaanyo ku dhow dhow ee la yidhaa beeniya Sheekh Shariif iyo Faroole markay Somaliland ku sheegaan inay midowgii dib u ogolaatay ayaa dad badan oo siyaasadda u dhuun daloolaa u arkaan inay maaweelin iyo jaha-wareerin la xidhiidha ummadda tahay, gaar ahaana waxay arragtiyahaasi qabaan in madaxweyne Siillaanyo uu shacbigii reer Somaliland mugdi ka galiyey masayrkii gooni isu taagoodda ee ay 21-ka sano ka sugayeen beesha caalamka inay ictiraaf kaga helaan.
Waxaana looga fadhiyaa madaxweyne Siilaanyo inuu shacabka u cadeeyo waxa rasmiga ah ee ka soo socda inay ka soo baxaan shirarka Somalia iyo Somaliland marka xaga lacagaha iyo mucaawinooyinka laga tago ee loo baydho dhinaca gooni isku taaga Somaliland. Mise arintani waxay u eekeenaysaa wada hadaladii reer galbeedku ka dhex wadeen Falastiin iyo Israa’iil mudada sodanka sanadood ah gaar ahaan Maraykanku sida uu ku sheegay qoraaga…victor ostrovsky, Buugiisa jidka khiyaamadda by way of Deception. Qoraalka uu arrintaas ku sharaxayay waxaa uu yidhi Buugaasi. “Wolf waxa uu ahaa nin, waxbarashadiisa ku soo qaatay dalka Maraykanka, waxaanu aqoon badan u lahaa, cilmiga dublamaasiyada, laakiin ku darsoo, wada hadalada dhex maray, Wolf Iyo Sartawi may ahayn kuwo wax ajanda ah leh, ama arrimo cayiman oo laga wada hadlayaa miiska sii yaaleen, waana habka dalalka reer galbeedku marka ay wada hadalo ka dhex bilaabayaan, dhinacyo kala oodan ku bilaabaan, waxaana afka dublamaasiyada loogu yeedhaa, niyad wanaag. Waana habka kaliya ee ay ku furfurmaan wada hadaladu, sida uu yahay qaab siyaasadeedka dublamaasiyadeed, wada hadalo kasta oo la ogsoon yahay, in dhinacyada lagu kulminayaa, kala shaki iyo uur xumo raagtay kala qabaan, waxa lagu furaa, hab xan iyo xanshashaq u dhow oo aan rasmi ahayn, ka dibna waxa muddo lagu sii dhex daayaa rayul caamka dadka, si loola qabsado oo ay u noqdaan kuwo lagu soo dhex qaadi karo, bulshada dhexdeeda. Hogaamiyayaasha siyaasada iyo dadka taladu ka go’do iyaga oo sida wax u socdaan ka dheragsan, wax kastana og, waxa ay masraxa ku matalaan sidii dad aan waxba kala socon, ajandayaasha iyo qorshayaasha ku tala gal ee laga wada hadlayo iyo waxa ay ku dhamaan karaan, oo ah kuwo wakhti hore la sii dajiyay ayaa muddo dheer ay socdaan, wada hadalo u muuqaal eg, sidiiyoo dhinac walba mawqifkiisa iyo qadiyadiisa ku gor gortamay oo aanu waxba ka tanaasulin.”
© Weedhsan Corporation